Dhito = waa kayd
editinta aynaan u gonda degin dulucda iyo ujeedadad qoraalkeenna aynu si fiican u fahamno macnaha ereyga cinwaanka ah ee DHITO . macnaha saxa ah ee dhito waa kaydinta caanaha si loo dhanaaniyo ama loo gadhoodhiyo kadibna loo lulo oo subag looga helo. waxaanay ku gaar tahay caanaha Adhiga iyo lo'da . sida caadiga ah caanaha geela subag lagalama baxo ee waa la dhamaa iyagoo dhay ah ama iyagoo dhanaanay oo Karuur ah.
ARAAR
waxaan booggan ugu talo galay in dhallinta soomaaliyeed iyo faca ka dambeeyaba loogu dhiteeyo xog saafi ah oo ka badhaxtiran Been, Buunbuunin, qabyaalad,tacasub,gobolaysi, xaqiraad, yasid ama xaqiraad qayb bulshada ka miod ah iyo Faanin cid gaara. waxaa lagu uruurin doonaa aqoon isu dheellitiran oo dhan walba ah haddii ilaahay ka dhigo.
waxaan uga marti ahay walaalaha ka qayb qaadanaya soo gudbinta macluumaadka inay maanka ku hayaan inay qaadayaan masuuliyad aad u weyn oo looga baahan yahay inay soo shaandheeyaan ama tifaftiraan qoraalladooda oo iyadoo kollay faafreeb la marin doono.isirka Soomaaligu in kastoo uu ku dhaqan yahay geeska africa gaar ahaan somalia,djibouti,Somaliland,NFD, iyo kililka shanaad ee Ethiopia haddana ma jiro wax ay ku kala duwan yihiin xagga dhaqanka afka, midabka, diinta iyo caadooyinka marka laga reebo waxyaabo aad u yar ama naadir ah ama faro ku tiris ah oo aan aad u muuqan. Somalida waxaa lagu tilmaama hal qoys sababtoo ah waxay ka mid tahay qowmiyadaha aan lahayn wax lagu kala sooco oo ay ku kala duwan yihiin.
waxaa kale oo ay ka siman yihiin qabwenaan,deeqsinimo,geesinimo,hadal badnaan, suugaan jeclaan, adkaysi badnaan, fahmo badnaan,nadaafad badnaan ,dhoof jeclaan, faan badnaan iyo waxyaabo kale oo fara badan oo wanaag iyo xumaanba leh oo iska soo horjeeda.
haddaba waqtiyada soo socda waxaynu wax ka odhan doonaa qodobadaas sare oo aynu si faahfaahsan uga hadli doono iyadoo midwalba cidda u ehelka ah ama aqoonta u leh aynu la kaashan doono. isla markaasna waxaan ka codsanayaa aqoon yahanka kala duwan ee soomaaliyeed inaad igala qayb qaadataan sidii aynu dhito ama kayd saafi ah ugaga tegi lahayn dhallinyarada soo kacday iyo kuwa ka dambeeyaba.
aniguna dhankayga waxaan idiin ballan qaadayaa inaan iska ilaaliyo inaan boggan soo geliyo xog aan hufnayn, ama dhinac u janjeedha, xaggiinana waxaan ka filayaa inaad iigu dulqaadan doontaan wixii garasho i seejiso.
waad mahadsan tihiin dhammaan meel kasta iyo waqti kasta oo aad joogtaan.
Abdirahman Ali H Hassan Tel .+252659700111/+252634436352 Hargeisa.