Taariikh Kooban Oo Aan Kaga Hadlayo Alaha Unaxariistee Gen Ismail Ahmed Ismail.

=====================
edit

General Ismaaciil Axmed ismaaciil waxa uu ku dhashay Gobolka Sanaag Magaalada Ceerigaabo Sanadii 1936-kii isla magaalada ceerigaabo ayuu ku barbaaray ka dibna waxaa loo ka xeeyay Dalka Yaman Gaar ahaan Magaalada Cadan, Waxbarashada aasaasiga iyo tan dugsiga saraba wuxuu ka qaatay magaalada cadan Sanadihii 1948-kii ilaa iyo 1956kii.

Sanadii 1957-kii wuxuu ku biiray Ciidamadii Booliska Yaman ee uu Ingiriisku maamulayay.

Sanadii 1958-kii waxaa tababar loogu qaaday dalka ingiriiska waxa uu soo bartay culuunta kala duwan ee ciidamada booliska markii uu ku soo laabtay dalka yaman waxaa loo dalacsiiyay darajad xidigle, isla sanadkaasi ayuu u soo waregay magaalda Barbara wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyay ee karaani ka noqda halkaasi.

Sanadii 1959-kii waxaa loo magcaabay Taliyaha Ciidamada Xabsiyada ee British Somaliland markii ay soomaaliya xoriyadda qaadatay oo ay israaceen goboladii waqooyiga iyo koofurta oo soomaaliya ay midowday ka dib wuxuu u soo wareegay magaalada muqdisho.

Sanadii 1961-kii waxaa xilligaasi loo xilsaaray inuu soo dhiso ciidanka xabsiyada maadaama ay gobolada waqooyi ay ka dhisnaayeen ciidankaasi, kormeer uu ku tagay magaalada hargeysa Dr C/rashiid Cali Sharmaarka ayaa dhalisay in koofurta laga sameeyo waxayna dowladii xilligaas ka codsatay Ismaaciil Axmed ismaaciil inuu soo dhiso ciidankaasi markii uu dhismihiisa soo idlaadayna isaga ayaa taliye looga dhigay.

General Ismaaciil Axmed ismaaciil waxa uu nasiib u helay inuu noqdo Taliyihii ugu Horeeyey ee Ciidanka Asluubta soomaaliyeed, Uguna Taariikhda dheeraa ee soo mara Ciidamada Asluubta Wuxuu Ahaa qof Naxariis badan waxaana lagu yaqaanay Maalinta Ciidda inuu cafis uga dalbi jiray Maxaabiista kuwooda Dambiyada Fudud masuuliyiintii dowlda.

Allah u naxariistee, taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaaciil Axmed Ismaaciil ayaa maanta oo ay taariikhda ku beegantahay 28/03/2021-ka ku geeriyooday isbitaalka Ex-Digfeer ee Erdogan.

إنا لله وإنا إليه راجعون

W/D Oo Soo Ururiyay Taariikhda Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British), Fadlan Taariikh intaa ka badan hadii aad ka heysaan ila soo wadaag adigoo mahadsan.