Geedi shaambow king Geedi Shaambow Geedi shaabow ama Geedi Baabow wuxuu ahaa nin caan ku ahaa dhulka soomaalida gaar ahaan koonfur galbeed Dad badan oo idinka mid ah markay maqlaan Geedi Shaambow waxaa laga yaaba in ay kusoo xasuustaan heestii uu qaadayey fanaanki waynaa ee Zulfa oo magaceedu ahaa Geedi Shaambow

Laakin Aw Geedi Shaambow taarikhdiisa heesta way kawayn tahay

waxa uuna ahaa nin si weyn u cadaadin jiray dadka deegaankaas, waxa uuna ahaa in si weyn looga cabsan jiray, isagoo duulaamo ku qaadi jiray deegaanada ku dhow dhow, xitaa waxa uu gaaray in marka qofka aqalgalayo in Haweenayda uu Geedi Shaambow haysan jiray todobo maalmood, kadibna uu ku wareejin jiray ninkii qabay, waxa uu ahaa nin xitaa markay beeraha baxaan marka afar meelood loo dhigo saddex meelood qaadan jiray, xitaa xoolaha sidaas oo kale qayb badan ayuu ku lahaa, 

waxayna arritaaasi dhibaato ku keenay dadka deegaanka, waxayna xaaladdaas ku soo jiraan, ayaa maalmin maalmaha ka mid ah, digil iyo mirifle oo ahaa dad diin aad uga fiican ahaa ayaa dhaqanka ninka aw geedi shaambow aad unacay oona markii nin iyo haweenay ku heshiiyey in ay is guursadaan ayaa gabadhii waxay ku tiri ninkii "Maxaa iga guursaneysaa waxaa iga dambeeya Geedi Baabow”, wiilkii oo u laab-qaboojinaya gabadhii ayaa wacad ku maray in jirkeeda uusan Geedi Baabow far saari doonin, waxaana dhacday in wiilkaasi uu abaabulay dhallinyaro fara badan, waxaana dhacday in Geedi Baabow xukunkiisii halkaas looga tuuray." Maalinkii Geedi Baabow xukunka laga tuuray ayaa la sheegay in deegaanadaasi ay ka da’een roob fiican, waxayna dadkii degeen Barwaaqo iyagoo ka baxay xukunkii Geedi Baabow ee mudada kusoo jireen.