Bahawiyo Samakaab axmed cabdle axamed isaaq

 Home ▼

Wednesday, 23 September 2020

Amiir Nuur Garaad Abakar Samakaab

 Amiir Nuur Garaad Abakar 

 Herer City the Garad,s of bahawiyo 



Taariikh nololeedkan waxaa soo diyaariyay taariikh- qore Dr. Arif haaji Hussien Sheik Ahmed 

Nuur ibnu Abakar Samakab oo ku magac dheer Amiir Nuur oo u dhashay beesha Geri Koombe Bahawiyo Reer nuuri wuxuu ka mid ahaa madaxdii ka katalin jirtay saldanaddii Muslimiinta ee Adal. Markii uu geeriyoodey Imaamkii Muslimiinta ee Adal, Imaam Axmed Ibraahim Garaad (Gurey), waxaa kala wareegay kursiga madaxnimada, Amiir Nuur Garaad Abakar samakab oo dumaaley haweenaydii uu ka geeriyoodey Imaam Axmed Gurey.

Amiir Nuur waxaa loogu magac daray Shahib al-Fath at-Thani oo micnaheeda tahay Afadii Halyeygii Labaad. Markii Imaam Axmed Ibraahim Garaad (Gurey) la dilay sanadkii 1543kii, ciidankii uu hogaaminayeyna ay dib ugu soo laabtay xaruntoodii Harar, waxaa soo muuqday firaaq hogaamineed oo la soo gudboonaadey adal Saldanadda iyo shucuubtii ay mas'uulka ka ahayd. Waxay cid kasta oo ku jirtay xayndaabka Imaarada ay ku noqotay naxdin iyo anfariir in ay waayeen Imaamkoodii geesinimada, caddaaladda, iyo hogaaminta eebbe u hibeeyey. Amiir Nuur Garaad Abakar samakab waxaa la dhadhay oo walalkiis aha Kamas Garaad Abakar Samakab 

Waxana adeeradiis aha Cabdi Samakab iyo Muxumed Samakab Waxana uu dhalay  1. Geedi Nuur Garaad abakar  2. Aadan Nuur Garaad Abakar  3. Cabdi Nuur Garaad Abakar 4. Yabaal Nuur Garaad Abakar oo ah beesha reer nuuri ee Bahawiyo dadka maanta jooga qudbasiis herer iyo magalada Baku 

Amiir Nuur Garaad Abakar wuxuu dadaal dheer ku bixiyey dhisitaanka maamulkii Imaarada, iyo ciidankeedii oo uu ka muuqdey niyad jab ka yimid sidii aan horay u soo xusnayba geeridii Imaam Axmed Gurey.

Sanadkii 1551 kii waxaa Amiirnimada Saldanadda Awdal loo caleema saaray Amiir Nuur Garaad Abakar samakab Markii la caleema saaray, wuxuu bilaabay abaabul ballaaran oo dhowr sano soo socotey wuxuuna amray in magaalada lagu wareejiyo darbi adag oo gaashaan uga noqda cid kasta oo ku soo duusha.

Sanadkii 1554kii, Amiir Nuur wuxuu ku dhawaaqay Jihaad ka dhan ah Boqortooyada Ethiopia, wuxuuna qabsaday gobolada Charchar, Arusi, iyo Hadeya. Sanadkii 1559kii, Amiir Nuur wuxuu markiisii ugu horaysay weerar lixaad leh ku qaaday Gobolka la oran jiray Fatajar halkaasna waxay isaga hor yimaadeen ciidamadii Boqor Galawdewos oo horay uga war helay in Amiir Nuur weerar ku soo yahay. Dagaalkaas waxaa lagu jabiyey ciidamadii Boqor Galawdewos. Markii gacanta lagu soo dhigay Boqor Galawdewos waa la toogtay.

adal1 Amiir Nuur markuu Jihaadka mudo 12 sano ah ku jiray buu ku dhawaaqay erayga "Kaffa" oo macnihiisa tahay joojis, dibna ugu laabtay xaruntoodii Harar.

Markuu Amiirka ku laabtay magaalada Harar, wuxuu ka war helay in qowmiyadda Oromadu duulaan ku yihiin caasimadda Adal. Sanadkii 1568kii, Amiirka ayaa weerar culus ku qaaday Oromadii duulaanka ku soo ahaa. Markuu soo afjaray weerarkii uu ku qaaday Oromada, buu Harar ku soo laabtay. Markuu magaalada ku laabtay wuxuu la kulmay cudur ummadda baabi'iyay.

Asxaabtiisii waxay sheegeen inuu ahaa nin caan ku ahaa geesinimo, karti iyo indheer-garadnimo. Wuxuu kale oo caan ku ahaa dhisidda darbiga adag oo gaashaan uga noqday cid kasta oo ku soo duushay iyo difaaca diinta iyo badbaadada ummadiisa.

By  Arif haji xuseen Sheekh Axmed Warsame 


at September 23, 2020

Share

1 comment:

Nuur Garaad Abakar23 September 2020 at 14:15

Mnsha Alaah waa ina la xusaa amiirka taariikh wayn ayuu leeyahay dhinaxa halganka