Ÿ BEESHA SARUUR MADAR-KICIS

Marka 1aad beeshani waxay ka tirsan beelwaynta Hawiye, gaar ahaan Hiraab iyada oo waliba ka sii ah Madar-kicis hiraab.

Beeshu waxa ay u kala baxdaa labo reerood oo waa wayn kuwaas oo kala ah: 1. Wacdaan 2. Nabad waa

Ka dib waxa ay sii noqotaa Cali oo cali weheliye ah iyo Birkaanle oo sii kala noqonaya Cumar ibraahim iyo Rooble maxamuud.

Jiilib kasta oo ay ka koobanthay beesha Saruur Madar-kicis, waxa uu ka sii koobanyahay lafo tiiba min afar iyo ka badan ay tahay.

DEEGAANKA BEESHA EE DALKA JAMHUURIYADDA FEDERAALIGA AH EE SOOMAALIYA.

Beeshu deegaan ahaan waxa ay dagtaa dhulka xorta ah iyo kan gumeysiga wali ku hoos jira.

Deegaan ahaan beeshu waxa ay asalkeeda dagtaa goboladda dhexe ee dalka Soomaaliya. Iyaga oo caan ku ah Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Sidoo kale beeshu waxa ay dagtaa qaybo ka mid ah gobolka Galguduud oo isaga laga soo gooyay xuriyadii ka dib gobolka Mudug. Waxa ay sidoo kale beeshu dagtaa gobolka Shabeelada Hoose sida: dagmooyinka Sablaale, Warmaxan, iyo dagmada Baraawe. Sida la mid ah taa waxa ay beeshu dagtaa gobolka Benaadir gaar ahaan dagmooyinka HODON, HOWLWADAAG, HELIWAA, WARTA-NABADDA. Iyo dagmada Wada-jir.

Dhulka aan xorta ahayn ee ummadda Soomaaliyeed waxa ay beeshu dagtaa deegaanka Baabili ee Soomaali Galbeed.


Beesha deegaan ahaan ayaga ayaa aas aasay dagmada Hodon ee gobolka Benaadir.

Taariikhiyan dagmada Hodon waxaa aas aaskeeda lahaa nin beeshan u dhashay oo la oran jiray Maxamed Siciid Ciyoow oo ku magac dheeraa "Gentelman". Waxaa jiro labo qiso oo ay dadka iska soo wariyaan.

1. In ay dadka qaar leeyihiin dagmadani waxaa ku yaali jirtay shaneemo la oran jiray shaneemo Hodon oo ahayd magac haweeney ay jacaylwadaag ahaayeen maxamed Siciid "Gentelman". 2. Tan saxda ah oo ah in ninkii ugu horeeyay ee dagmada Hodon dagga misana dhista in uu ahaa Maxamed Siciid Ciyoow, sidaas darteed jacayl uu u qabo lamaantiisa oo la oran jiray Hodon ayuu magaca dagmada sidaas ugu bixiyay dadkii lasoo dagayna way la qaateen.


DHAQANKA BEESHA SARUUR MADAR-KICIS.

Beeshani waxa ay caan ku tahay daris wanaaga iyo qiimeynta dadka la dagan.

Waxay kaloo caan ku yihiin marti soorka dadka usoo martiya. Bilowgii todobaatameeyadii waxa ay deeganada beeshu ahaayeen meelaha ugu nimcadda badan gobolada dhexe ee dalka.

Dadka inta badan waxa ay baadka usoo doonan jireen deeganada beeshi dagto. Iyaga oon la waydiinin haybtooda iyo cidda ay yihiin ayaa si Soomaalinimo ah loo soo dhaweyn jiray waana la marti qaadi jiray.

Inta badan dagmada xaradheere iyo tuulooyinka ku tixan waxaa imaan jiray dadka Bari, Mudug, Galguduud, ilaa Nugaal ka imaan jiray. Waxaana la sheegaa in intii u dhaxeysay 1972-1974tii in deegaanada beeshu ay ahaayeen meelaha ugu marti soorka badan dalka Soomaaliya.


Beeshani sidoo kale waa dadka ugu tabcashada badan dhamaan jufooyinka iyo qabiilada dagan gobolka Mudug. Waxa ay caan ku yihiin Tabcashadda Digirta iyo Haruurka iyo sidoo kale Qaraha.

DADKA CAANKA AH EE BEESHA KA DHASHAY.

Maxamed Siciid Ciyoow (Gentleman).

Mid ka mid ah Xildhibaanadii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliyeed. Gentleman waxa uu sidoo kale ka mid ahaa golihii dhexe ee ururkii SYL. Sidoo kalana wuxuu ka mid ahaa odayaashii ugu caansanaa ee ururkii Sulux la oran jiray, markii danbana dowladii cali mahdi xubin ka noqday.

Drs .Faaduma Axmed Caalim ( Cureyji)

Mid ka mid ah gabdhihii ugu horeeyay ee wax

soo barta jaamacadna kasoo baxa taariikhda dalka Soomaaliya. Sidoo kalana ahayd Wasiir ku xigeenkii wasaarada waxbarashadda iyo tacliinta xiligii kacaanka.

Amb. Maxamed Axmed Caalim.

Diblomaasi caan ka ah dalka aadna loo yaqaano dowladii kacaanka soo ahaa dan jire.

Sareeye Gaas. Axmed Jimacaale Geedi (Cerfiid).

Taliyihii ciidanka Xoogga Soomaaliyeed kaas oo labo mar jagadaas soo qabtay, labo madaxweynana lasoo shaqeeyay sida Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Shariif Sh. Axmed.

Gen. Axmed Xasan Maalin.

Taliyihii boliiska gobolka benaadir inta aan laga qaadin xilkaas loona magaabin taliyaha ciidamada ilaaladda wadooyinka.


G/dhexe Cabdi Axmed Cilmi.

Danbi baare iyo aqoonyahan ku taqasusay cilmiga danbi baarista kana howlgala xarunta danbi baarista dalka ee CID da.

DH/ Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle).

Taliyihii Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab. Kana tirsanaan jiray urur diimeedka Ahlu Suna Wal jacaama.

Dr. Maxamed Aaden Barre.

Dr. Cabdirisaaq Xasan Maalin ( X. Danbi).

Mid ka mid ah dhaqaatiirtii ugu caansaneyd ee ka howl gali jirtay isbitaalkii guud ee Digfeer. Kuna taqasusay cilmiga qaliinka iyo daaweyntiisa. Hadda dhaqtarku waxa uu ka howl galaa dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Dr. Cabdulaahi Maxamed Siciid(Gentleman).

Dhaqtar cilmiga cudurada guud bartay kana howl gala xarunta caafimaadka ee Xanaano taas oo magaalada muqdisho ku taala.

Dr. Cabdirisaaq Maxamed Siciid(Gentleman).

Mid ka mid ah dhaqaatiirta ugu caasan magaalada muqdisho. Kaas oo ku taqasusay cilmiga cudurada caruurta iyo daawayntooda, dadka danyarta ahna u naxariista oo u dimriya.

Dr. Xasan Xaaji Shuuriye

Dhaqtar ku taqasusay cilmiga cuduradda faafa kana howlgali jiray isbitaalka Shiikh Saayid ee dalka Isu taga Imaaraatka Carabta.

Cabdi Abshir Dhoore.

Aqoonyahan ka tirsanaan jiray ururkii dib u xureynta dalka ee uu shariif shiikh axmed

madaxda u ahaa ka dib noqday xildhibaan dowladaas ka tirsan. Haddana ah agaasimaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Eng. Cabdulqaadir Maxamed Siciid Ciyoow Aqoonyahan dalka dibadiisa wax kusoo bartay. Haddana ah Wasiirka Macdanta iyo Betroolka dowlad goboleedka Galmudug.

Xersi Aadan Rooble.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Duulista iyo gaadiidka, mar ahaqn jiray wasiir dowlaha isla wasaaradan. mudo 20 sano ku dhawna ah xildhibaan ka tirsan gollaha shacabka.

Xaawo Maxamuud Cali ( Xaawo Kiin).

Wariye rugcadaa ah kana shaqeyn jirtay raadiyihii iyo telefishinkii STN ee magaalada muqdisho ka howl gali jiray. Marna noqotay Gudoomiyaha dagmada Waaberi ee gobolka Benaadir.

Cabdi Maxamuud Dhabaneey.

Nabadoon iyo siyaasi caan ka ax beesha dhexdeeda. Waxa uu soo ahaa shaqaale kasoo shaqeyn jiray wasaaradda arimaha gudaha dalka. Sidoo kale waxa uu ahaa gudoomiyaha dagmada Hodon bilowgii dowladii xasan shiikh iyo tii Madaxweyne Shiikh Shariif inteeda badan.

Dr. Shiikh Abuubakar Xasan Maalin.

Caalim diinta ilaah bartay daacinna ah. Dadkana bara diinka ilaah. Sh. Abuukar waxa uu ku taqasusay Culuumta Tafsiirka Qur'aanka. Waana culamada fara ku tiriska ah ee cilimagaas loo doonto asigoona haysta shahaadad ugu sareysa ee diktoornimada.

Dr. Cabdinaasir Muqtaar Ibraahim.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya. 

Nabadoonadda iyo Dadka Kale ee Caanka ah ee Beesha ka Tirsan waxaa ka mid ah:

1. Nabadoon C/qaadir Mire Muxumud. 2. Cali Mahadale Imaan. 3. Faarax Cabdulle Baraale. 4. Macallin Nuur Cabdulle Baraale. 5. Nuur Muxumud Cusmaan. 6. Max’ed Cali Iidle. 7. Max’ed Jimcaale Maxamed. 8. Maxamuud Xuseen Maxamed. 9. Cali Daahir Yuusuf Warsame. 10. Saciid Xasan Jalafey. 11. Max’ed Macalin Cabdi. 12. Xaaji Jaamac Cabdi Max’ed. 13. Maxamuud Cali Xayle. 14. Abuukar Cumar Faarax. 15. Warsame Maxamed Moooge. 16. Cilmi Cibaar Cabdi. 17. Cabdi Cumar Jimcaale. 18. Cumar Maxamuud Maxamed. 19. Maxamed Cabdi Faarax.

20. Maxamed Xersi Cabdi. 21. Cabdi Maxamed Jimcaale. 22. Cabdi Maxamed Kooshin. 23. Cali Kulane Dhuxulow. 24. C/raxman C/laahi Muxumed. 25. Warsame Muxumed Cilmi. 26. Xersi Goobdoon Sheekhow. 27. Maxamed Macallin Yusuf. 28. Maxamuud Goobdoon shiikhow. 29. Daahir Cabdulle Maxamed. 30. Salaad Xuseen Warsame.

Beeshu intaas ma ahan balse waa intii aan ka gaaray kolleey inta kale waxaan u dhaafay dadka kale ee iiga aqoonta fiican beesha.