Welcome!

edit
 
Some cookies to welcome you!  

Welcome to Wikipedia, Mountsurad! Thank you for your contributions. I am MJ94 and I have been editing Wikipedia for some time, so if you have any questions feel free to leave me a message on my talk page. You can also check out Wikipedia:Questions or type {{helpme}} at the bottom of this page. Here are some pages that you might find helpful:

Also, when you post on talk pages you should sign your name using four tildes (~~~~); that will automatically produce your username and the date. I hope you enjoy editing here and being a Wikipedian! MJ94 (talk) 01:45, 14 January 2013 (UTC)Reply

Fashilka Dhaqaale ee Xukuumadda Siilaanyo

edit
                                    Xaalada Dhaqaale ee Somaliland
                              Statement on Somaliland Economic Situation
                                       Cabdiqaadir Axmed Xasan
                                            Contact address:
                                       Cell phone: 00252634017243
                                       Email: kabaweyne02@gmail.com

Hogaamiyaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa shacabka reer Somaliland u tuhmayeen dhaqaale yahan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba safka hore kaga jira xeeldheerayaasha culuunta dhaqaalaha ee geyigan u dhashay, tuhunkaas jiray awgiisna laga yaabee inuu qayb muhiima ka ahaa sababaha ugu mudan ee shacabka reer Somaliland ugu doorteen xilka hogaamiyenimo.

Hadaba Xukuumada uu hogaamiyo Siilaanyo ayaa sida aynu ka warqabno iyadu dhinaceeda in badan ku dooda koboc dhaqaale oo dalka ka hanaqaaday mudadii ay xilka haysay. Arintaas iyada ah iyo sida wax uga jiraan iyo guud ahaan Xaalada dhaqaale ee dalka ayaa akhriste noqonaysa nuxurka qormadeenan, balse intaynaan u gonda -degin mawduucan aan wax yar dib u jaleecno taariikh kooban oo ku saabsan sadexdii hogaamiye ee soo maray dalka Somaliland ee ka horeeyey Madaxweynaha iminka talada haya mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo midkastaba muhiimadii uu xooga saaray mudo xileedkiisii iyadoo weliba waqtiyadaasna ay jireen duruufo iyo dhibaatooyin kale , hadana muhiimad gaar ah ayay waxqabadkoodii saldhig uga dhigeen taasoo ay guusheedana ku suntameen , una noqotay tilmaan lagu xasuusto ilaa iminka .

Marka laga hadlayo hogaamiyaashii hore waxa lagu kala tilmaamaa sidan:- Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur) wuxuu baal taariikheedka hogaamiyaasha dalka kaga jiraa hogaankii xoraynta dalka iyo asaaskii Somaliland, muhiimadiisuna waxay ahayd in dalka la xoreeyo, lana amaamudo dawlad cusub oo ka arimisa Somaliland.

Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxay bulshada reer Somaliland ku xusuustaan inuu ahaa aabihii nabadgelyada iyo taabagelinta haykalka dawladnimo ee Somaliland, midkaas ayaana muhiimadiisa ahayd waayo wuxuu ku soo aaday xili mujtamacani u baahan yahay nabadayn iyo maamul fidin Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu taariikhda kaga xardhan yahay hirgelinta dimuqraadiyada iyo hogaanka ku qotoma talada shacabka, taas ayaa isagana muhiimadiisa ahayd, waayo wuxuu hogaaminta dhaxlay xili dalku nabad yahay baahi weyna loo qabo in talada gacanta loo geliyo dadka shacabka ah si ay u shaqaalaystaan hogaankooda iyo nidaamka lagu hagayoba. Sadexdan madaxweyne mid waliba wuxuu guul wax ku ool ah ka soo hooyey bar-ahmiyadeedkii uu liishaamayey.


Madaxweynaha hada xilka haya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isagu talada dalka la wareegay xili dalkii xoroobay, nabadii taam tahay, dimuqraadiyadiina ay tisqaaday, balse ay weli baaqi yihiin doogihii iyo mushkiladihii dhaqaale ee ka dhashay buburkii dalka. Hadaba iyadoo madaxweyne Siilaanyo uu nasiib u yeeshay fursadahaa aanay hore u haysan hogaamiyaashii ka horeeyey ayaa su’aasha isweydiinta mudan ee ilaa tan iyo xilligii la doortay miranaysey laabaha dadka reer Somaliland waxay tahay, maadaama madaxweynaha lagu tuhmayey dhaqaale yahan jeexi kara tub dhaqaale oo dadka ka samata saari karta saboolnimada iyo nolol-xumada, bal sida hawlahaas xukuumadiisa horyaaley ee dhinaca dhaqaalaha loo maarayay mudadii sadexda sano iyo dheeradka ahayd uu xilka hayay? Hadaba si aan jawaab waafiya uga bixino xaalada dhaqaale ee dalku ku sugan yahay , fadlan ii ogolow inaad si kooban ila faaqido heerarka aynu ka taaganahay waxsoosaarka, Maalgashiga, Dhoofinta iyo Dejinta, Qaybsiga Dhaqaalaha Dalka, koboca dhaqaalaha iyo shaqola’aanta Sida la ogyahay meelaha ugu waaweyn ee laga cabiro kobaca dhaqaale iyo heerka horumar ee wadan leeyahay waxaa ka mida hadba sida waxsoosaarkiisu yahay iyadoo halbeega laga qiyaas qaataana yahay isbarbardhiga dhoofinta iyo dejinta badeecadaha kala duwan IWM. Sidaa darteed baa firkadaha aasaasiga ah ee dhaqaalahu waxay tilmaayaan in wadankasta horumarkiisa nololeed, bulsheed, daryeel iyo dhaqaaleba ay ku xidhan yihiin hadba heerka waxsoosaarkiisu gaadhsiisan yahay. Sida aynu ka warqabno dalkeena Somaliland malaha waxsoosaar la sheego, arintaasoo keentay dibu dhaca horumarka, dhaqaalaha iyo adeegyada dalka oo dhaxalkeedii noqday bulsho fiqiir ah oo nolosheedu hoosayso iyo dawlad sabool ah oo adeegyadeeda bulsho iyo tamarinteeduba liidato. Waxaa isweydiin mudan sababta ay dalkan iyo dadkiisuba fadhiid uga yihiin waxsoosaar macne iyo mugleh oo wax ka bedeli kara xaalada nolol xumo ee lagu jiro? Waa qiil diciif ah in habacsanaanta waxsoosaar yarida dadka qaarkii u nisbayeen maqnaashaha aqoonsiga caalamiga ah iyo tamaryarida xukuumadeena. Waayo marka laga yimaado khayraadka aynaan waqtigan ka faa’iidaysigiisa awood u lahayn sida shidaalka iyo macdanka, dalkani wuxuu leeyahay khayraad kale oo farabadan oo yarayn kara soo dejinta isla markaana kobcin kara dhoofinta iyo waxsoosaarka, taas oo aan u baahnayn dhaqaale badan oo loo huro iyo ictiraaf, balse u baahan siyaasad dawladeed oo qudha si loo wajaho arintan. Tusaale waxaa inoogu filan waxaynu nahay wadanka ugu xoolo badan waxana cadayska iyo caanaha caruurteena la inooga keenaa dalal inaga xoolo yar, waxana muuqata in wasaaradeena xanaanada xoolaha aanay mudadaas saddex sano ah ee xakuumadani talinaysay aanay marnaba la imaanin siyaasadii lagu horemarin lahaa, laguna dhiirin lahaa ka faa’iidaysi dhamaystiran ee khayraadka xoolaha nool (full utilization). waxaa kaloo ognahay in aan xukuumadu siinin mudnaanta ay xoolaha iyo xoola dhaqatadu leedahay oo ahayd in ahmiyad weyn la siiyo, maadaama dhaqaaleheenu ku tiirsan yahay 60% xoolaha nool, waxana keliya oo wasaaradu fulisaa talaalo dhul shisheeye inooga yimi oo aynaan xitaa hubin waxtarka iyo waxyeelada ay u leeyihiin xoolaheena. Dhinaca beeraha dalkeenu wuxuu leeyahay dhul beereed weyn oo ku haboon beerista dalagyada, kuna filan soo saarista cuntada aynu u baahanahay ama dhoofinkaro. Maqnaanshaha siyaado dhiirigelin kara koboca waxsoosaarka beeraha ayaa inoo horseeday in dalagyada ay ka mid yihiin baradhada, basasha, toonta, tufaaxa, galeyda iyo waxsoosaarka dalagyada ay soo saaraan wershado yaryari laynooga keeno dalal shisheeye oo aan tiro ahaan iyo tayo ahaanba inagaga fiicnayn beerista. Wasaaradeenii beeruhu waxay ku mashquulsan tahay qaybinta siidhadhka hal dhalka ah (genetic modified seeds) oo baabiinaya kaydkii siidh ee beeralaydeenu haysatay, kana dhigay wadankeena ku tiirsane dalal kale dhinaca siidhka, waxanay hilmaatay dhiirinta, abuubulka iyo gacansiinta waxsoosaarka beeraha oo ahayd kaalinteeda koowaad. Waxa iyana hubaal ah in ka faa’iidaysiga khayraadka badda, siiba kaluunku iyo milixdu ay yihiin halbowle dhaqaale oo xukuumadeena hagratay, aana inooga baahnay la sugida ictiraaf iyo maalgashi shisheeye. kaluunka suuqyadeena lagu isticmaalaa waa mid ajaanib ah oo ay soo macmilaan dadyowga sida tudhaal la’aanta u gurta ka luunkeena. Siyaasada xukuumadeena ee ku wajahan kaluumaysigu waxay jideysey in la garba duubo, lagana dhigo camal laawayaal kaluumaysatadeenii u baahnayd dhiirinta iyo taageerada xukuumadeed, waxayna wasaarada kaluumaysigu saldhig uga dhigtay siyaasadeeda, kuna raali tahay in laba barmiil oo shidaala ay si liidata ajaanib uguga bedelato boqolaal tan oo kaluunka badeena ah iyo weliba in ay ogolaato dhiirisona isticmaalida maraakiib shisheeye oo xaaluf iyo nabaadguur ku haya badaheena. Hadaba waxsoosaarka wadankani samayn karo iyadoon ictiraaf, maalgelin-dhaqaale iyo suuq toona loo raadin lama soo koobi karo, kumana koobna intan oo keliya ee way fara badan yihiin. Akhriste, waxanse intan ugu soo dabaray way ku filan tahay muujinta iyo marag u noqoshada siyaasad xumida xukuumada oo aan isku deyin nidaamkii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka dalka, dhoofinta, korodhka tirada shaqaysa iyo guud ahaan nolosha mujtamaceeda, taas oo meesha ka saari lahayd tahriibka, camal la’aanta iyo soo dejinta waxyaabo farabadan oo dalkeenu hodon ku yahay aynuna awoodeeda iyo taagteedaba leenahay. Dhinaca maalgashiga waxaynu ognahay in dadka ku dhaqan gudaha wadanka aanay samayn karin maalgashi badidoodu, waayo waxaan jirin kayd dhaqaale (savings) oo ay haystaan, dawladuna ma samayn maalgelin mashaariic iyo shaqo abuur oo siyaasadaba uguma jirto. Shakhsiyaadka tijaarta ahina ma haystaan siyaasad dawladeed oo jahaysa, tilmaanta, hanuunisa, dhiiri gelisa, kuna qalqaalisa in ay dalka maalgashadaan, iyadoo aad moodo siyaasadu dawladu in ay u shaqaynayso taas cakiskeeda. waxaan xusid mudan , dad muwaadiniin ah oo iyagu isku deyey maalgashi kadibse nasiib daro ay fashilaad iyo niyad jab kala kulmeen dadaalkoodaas, taas oo ay gun u tahay siyaasad xumida xukuumadda ee dhinaca dhaqaalaha.

Waxa igu haboon in aan soo qaato dhacdo ka mid ah dhacdooyinka yaabka iyo ashqaraarka leh, taas oo ah wershad daqiiqda samaysa oo muwaadin reer Somaliland ahi ka sameeyey gudaha dalka, uguna abuuray shaqo muwaadiniin badan. warshadaas waxay soo saartay daqiiq looga kalgacayl iyo rabitaan badan-yahay daqiiqda laga soo waarido debedaha, kana tayo badnayd waxtar ahaan iyo caafimaad ahaan. nasiibdaro, wershadaas waxaa lagaga noqday dhulbeereedkii ay kiraysatay manay helin dawlad dhiirisa ama gacan ka siisa helitaanka dhul ay beertaan, wershadii daqiiqdu sidaas ayay isku taagtay, waxana qalabkii laga iibshay ganacsato itoobiyaan ah oo markiiba dawladoodu dhiirigelisay, waxsoosaarkii iyo shaqaalihiiba waxaa yeeshay wadanka aynu jaarka nahay ee itoobiya halka muwaadiniinteenii ka shaqaynayseyna ay noqdeen bilaa camal iyadoo sidaan filayo, akhriste aad ka warqabtid in wershadii sibidhka muwaadiniinteenii maalgashan lahayd ay xukuumadu ka hortaagan tahay

Dhab ahaan lacagta aynu kaydsano oo iskaba yarayd, laakiin wax weyn ka tari kari lahayd shaqo la’aanta iyo dhaqaale kobcinta dalka ayaa waxaa lagu maalgeshaa dhismayaal iyo gawaadhida raaxaysiga oo wax macno ah inoogu fadhiyin dhaqaale ahaan, arintaasina waxa u sabab ah oo meesha ka maqan siyaasadii jahayn lahayd guud ahaan maalgashiga iyo gaar ahaan isla raadinta fekerka maalgashi iyo maaliyada, waxayna xukuumuda ka gaabisay abuurista bangiyo ganacsi oo leh sumcad la aamini karo oo dhigashada lacagta iyo amaahda maalgelintaba sameeya.

Wasaaradaha ganacsiga, maaliyada iyo bangiga dhexe intaba waxaa laga rabaa in ay la yimaadaan siyaasado wax ku ool ah oo lagu jahaynayo dhaqaalaha dalkan (effective and efficient economic and monetary policies).

Dhinaca qaybsiga dhaqaalaha iyo dakhliga (income distribution) xukuumada waxaa looga fadhiyaa siyaasado maangal ah oo lagula tacaalayo shaqo la’aanta, laguna kobcinayo waxsoorka iyo dhaqaalaha isla markaana hoos u dhigaysa soo dejinta, taasoo wax weyn ka bedelaysa dhaqaalaha dalkan iyo nolosha dadkiisa iyo weliba xukuumada oo dhaqaale fiican ka helaysa waayo waxay dhaqaalaha ka heshaa mujtamaceeda iyo waxa ay haystaan. Dhinaca kale, waxay cid kastaa qiraal ka tahay in dadku noqdeen kuwo qaderiya ashyaa’da iyo in habka saami qaybsiga dakhliga dhaqaale ee wadankan soo gala ay 85% ku xeroodaan jeebadaha tobanka ganacsade ee ugu waaweyn ganacsatada dalka iyadoo weliba xukuumaddu kooto maalgashi ku siinaysa shaksiyaadkaa tijaarta ah ilaha dhaqaale ee dalka iyo dhulka danta guud.

Arrintani waa xaqiiqada bedka taal ee ka turjumaysa dhab ahaan sida wax u jiraan, sidoo kale waxaynu waayo arag u nahay oo laga aamusan yahay, musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dhinaca hayadaha samafalka caalamiga ah iyo kuweena maxaliga ahba iyadoo wasaaradeena qorshayntuna tahli kari weyday in ay xakamayso lunsiga iyo leexinta deeqaha gargaarka binu aadanimo, waxaana sanad kasta la sheegaa lacago gaadhaya malaayiin dollar oo dalkeena gashay balse aan raadkeeda iyo raqdeeda midna la arag. Leexsiga iyo ku tagrifalka deeqaha loogu talagalay horumarka dalka iyo taakulaynta dadkeena foqorada ah ayaa ka mid ah cuqubooyinka iyo mushkiladaha ugu daran ee ka jira Somaliland iyadoo kaalmada gargaar ee laynoogu deeqo ay in ka yar 15% ka soo gaadho meelihii loo qoondeeyey, inta kalena ay jeebadaha ku shubtaan shaqsiyaad isugu jira xuluumadda, shacabka iyo dad ajnebi ah oo ka taajiray kaalmada dadka foqorada ah loogu talagalay, sida uu buugiisa la magac baxay (the lord of poverty) ku xusay qoraaga caanka ah ee Hancock, ogow muwaadin in deeqahakan la musuqmaasuqay ay ku suntanyihiin magaca dadka iyo dalka Somaliland oo beri ka maalin wadan waliba odhan doono intaas ayaan idiinku deeqay.

Xaalada dhaqaale ee dalka gudihiisa ka jirta xiligan ayaa muujinaysa sawirka abuuritaanka dabaqado dhaqaale iyo isu dheeli tirla’aan gobolada iyo degmooyinka ee dhinaca dhaqaalaha. Tan waxaa sababay maqnaashaha siyaasada xukuumada ee ku wajahan qaybsiga dhaqaalaha ee dalka, isu-dheelitirka gobolada iyo kala xadaynla’aanta ganacsiga. waxaadna arkaysaa ganacsigii oo dhawr qof oo keliya u xidhan kuwaasoo dhoofiye, soo dejiye, wareejiye, tafaariiqle ilaa dukaan gadaha isu ah keligood, isla markaana ku qiime jebinaya ganacsada heerka dhexe iyo heerka hooseba . tani waxay wiiqday kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, waxka qabadkeeduna maaha mid u baahan ictiraaf iyo maalgelin shisheeye ee waa arin u baahan oo keliya siyaasad ay xukuumadu curiso oo ay ku gacangeliso, kuna xakamayso suugyada xorta ah ee dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadii ay ku ilaalin lahayd dheeliga dhaqaale iyo dabaqadaha dhaqaale.

Dastuurku JSL ma ogola dheeliga dhaqaale ee dalka iyo samaysanka dabaqado dhaqaale, waxuuna ku tilmaamayaa ilaalinta masuuliyadan waajib saaran xukuumada.

Akhriste, bal aynu si kooban u milicsano tibaaxna uga bixino kharashaadka iyo dakhliga dawliga oo, aan odhan karo maaha mid ku yimaada talada iyo rabitaanka bulshada, kumana salaysna ka jawaab-celinta baahiyaha iyo tabashooyinka bulshada mudnaanta iyo muhimada u ah. waxaa jira buug yar oo wasaarada qorshaynta qaranku diyaarisay, kaas oo wasaaraduhuna aanay u bislayn, fahamna ka haysan nuxurka uu xambaarsanyahay, taasina ay ka dhigtay qorshe aan fulin lahayn oo miisaaniyada qarankana aan lagu salayn. lamana yaqaano kumana jiraan miisaaniyada qaranka kharashaadka iyo dakhliyada dawladaha hoose, dhamaantoodna mid dhexe iyo mid hooseba ma laha nidaam ku isran hufnaan, xaliibnaan iyo la xisaabtan dhab ah. Iyadoo dhibahaa iyo kuwo kaleba ku gadaamanyihiin, ayaa waxaa intaas dheer in eex iyo faquuqnaani aanay ka madhnayn nidaamka dakhli iyo kharash ee dalka. Ganacsatada wadhatada ah iyo ganacsatada heerka ganacsiga koobaad waxaa laga wada qaadaa cashuur isku mid ah ama isku dhow, waxaad arkaysaa in takaaliifta cashuuraha aanay ku qotomin siyaasad qaran, balse keliya ay tahay male-awaal si kas la’aan ah loo qorqoray. Waxaad arkaysaa cashuurta la saaray waxyaabaha aan dalka looga baahnayn sida tubaakada, gaadiidka yaryar iyo daawooyinka laysku caddeeyo oo ah mid aad u hoosaysa, halka cashuur qaaliya laga qaado xabkaha iyo faleemka iyo daawooyinka bukaanka lagu dabiibo. Hadii aan is weydiino xagee ka yimid korodhka miisaaniyada ee xukuumaddu gaboodka ka dhigatay ma yahay mid ku yimid koboc dhaqaale mise waa culays cashuur kordhineed oo bulshadan saboolka ah dusha laga saaray?

Dhinaca kharashka hadaan xisaabino waxaad arkaysaa isna in waxbadani ku baxaan hawlo aan faa’iido inoogu jirin iyadoo kuwii muhiimka ahaana aan waxba loo qoondayn ama lagu yareeyey, tusaale ahaan, kharashka wasaarada madaxtooyada iyo kan wasaarada beeraha hadaynu is barbardhig ku samayno iyamaa badan? ama waxaad ka eegtaa kharashka ku baxa shidaalka gaadiidka tirada badan ee shaqaalaha lagu geeyo xafiisyadooda oo aad arkayso in uu hawl muhiim ah oo weyn inaga dabooli lahaa. Iska daa kobcin iyo dhiirigelin waxsoosaare, waxay wasaaradaha waxsoosaarka ee Somaliland siyaasad ka dhigteen wiiqida iyo waxyeelaynta khayraadka dalka oo wadamo shisheeye looga faa’iidayey, mana ay qaadin masuuliyadii bulsho ee loo baahnaa. Koboc dhaqaale wuxuu iman karaa karaa marka aynu maalgashano khayraadkeena kala duwan, balse fooqyada iyo saraha dhaadheer aynu dhisanay maxaa shaqo abuur iyo dhaqaale ay ina soo gelin karaan? ka waran hadii maaliyiinka dollar ee dhismayaasha qaaliga ah gelaya aynu ku maalgashano mashaariic inooga manfac iyo dhaqaale roon shakhsiyan iyo bulsho ahaanba? Suuragal maaha in Somaliland oo aan ka soo hadalay heerka waxsoosaarkeeda dadka qaarkii yidhaahdaan horumar dhaqaale baynu gaadhnay. Korodhka miisaaniyadase miyaa loo nisbayn karaa dhaqaalaha Somaliland oo kobcay? Hadii xukuumadu Siilaanyo ay shacabka masaakiinta ah ku asqaysiisay in dhaqaalaha dalka sare loo qaaday, qofkasta oo aqoon lihi wuu garanayaa in sheegadashaas aan waxba ka jirin, dhaqaalaha dalkuna ma kobcin mudo xileedkii xukuumada Siilanyo, koradhka miisaaniyaduna maaha dhaqaale dalka u soo kordhay ee waa cashuur kordhin lagu sameeyey bulshadeena danyarta ah, taasoo sababtay sicir barar ku habsaday dhammaan qiimayaasha badeecadaha kala duwan oo halis ku ah nolosha bulshadeena saboolka ah sidii ka dhacday degmada Saylac todobaadkii la soo dhaafay oo shacabka degaankaasi ay si weyn ugu mudaharaadeen cashuur kordhinta iyo weliba dhacdadii kacdoonka cashuur kordhinta shacabka koonfurta Hargeysa ee sababtay khasaaraha naf iyo maalba leh.

Gebagebo Iyo Soo Jeedin (conclusion & recommendation )

Guntii iyo gebagabadii qormadan oo filayo in aynu si buuxda ugu iftiiminay xaalada dhaqaale ee dalka Somaliland marayo xili uu talada hayo madaxweyne Siilaanyo oo sida aynu horeba u soo xusnay mujtamaca reer Somaliland u tuhmayeen dhaqaale yahan balse arintaasi ku fashilmay sida ku cad qormada. Waxaa intaas inoo raaca Insha Allahu, in aan bedka soo dhigno maqaalo dheeraad ah oo si ka sii faahfaahsan u biniixinaya isla qodobkan dhaqaalaha iyo qodobo kale iyadoo nuxurka hadafkeenu yahay tilmaamida iyo sixitaanka xukuumada oo aan ka rabno in ay dalka cagta u saarto tubta horumarka oo ku iman kara isbedel siyaasadeed dhaqaale (Economic Political Reform)

Ugu danbayntii waxaan akhristeyaasha, aqoonyahanka iyo indheergaradka Somalilandba kula talinayaa in aan sidaa lagu sii daawan karin xaalada dalka, loona baahan yahay raadinta xal rasmiya oo danta dalka iyo dadku ku jirto, taasoo ku imanaysa ficil iyo qawlba si miciin iyo maradhaamo loogu helo duruufahan isbarbarkan ee dhaqaale iyo siyaasad ba leh.

Xukuumada iyada waxaan u soo jeedinayaa in ay dadkeeda dhegaysato, anigoo si weyn ugu mahadinaya ogolaanshaha xukuumada ee furitaanka dooda qaran. Xukuumadu sidoo kale waa in ay si daacad ah u abuurtaa jawi iyo saaxad si mug leh loogu wada naaqisho arimaha khuseeya danta qaranka oo xisbiyada mucaaradka ah iyo aqoonayahanka kaleba u saamaxaysa soo bandhigada talada iyo afkaartooda saliimka ah ee ku wajahan horumarka Somaliland?

Xisbiyada mucaaridka ah, iyaga waxaan uga digayaa in hadafkoodu aanu noqon ka rido, oo sidaa ku dhaxal kursiga sidii Kulmiyeba yeelay, balse ay ka run sheegaan xaqiijinta isbedel rasmiya oo dalka ka hana qaada, waa mustaqbalka hadii doorashada mid uun ku guulaysto, sidoo kale waxaa eega looga fadhiyaa labada xisbi qaran in madasha dooda ay la yimaadaan ajandayaal cadcad oo danta dalka iyo dadku ku jirto

Hello Mountsurad,

It seems to me that an article you worked on, Xukuumada Siilaanyo Oo Ku Fashilantay Horumarka Dhaqaalaha Dalka, may be copied from http://warsomali.com/index.php/wareysiyo/78-somali-news/571-xaalada-dhaqaalaha-somaliland-oo-maraysa-halkii-ugu-darayd-iyo-madaxweyne-siilaanyo-oo-ka-baaqsaday-dhaqaaleyahankii-loo-filaayey-warbixin-baadhitaan-iyo-bandhig. It's entirely possible that I made a mistake, but I wanted to let you know because Wikipedia is strict about copying from other sites.

It's important that you edit the article and rewrite it in your own words, unless you're absolutely certain nothing in it is copied. If you're not sure how to fix the problem or have any questions, there are people at the help desk who are happy to assist you.

Thank you for helping build a free encyclopedia! MadmanBot (talk) 20:04, 26 January 2014 (UTC)Reply

January 2014

edit

  Please refrain from making unconstructive edits to Wikipedia, as you did at Help:Using talk pages. Your edits appear to constitute vandalism and have been reverted or removed. If you would like to experiment, please use the sandbox. Administrators can block users from editing if they repeatedly vandalize. Thank you. --David Biddulph (talk) 00:23, 27 January 2014 (UTC)Reply

December 2014

edit

  Please stop your disruptive editing. If you continue to vandalize Wikipedia, as you did at Portal:Contents, you may be blocked from editing. --David Biddulph (talk) 17:32, 4 December 2014 (UTC)Reply